Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan 11 heshiis oo DF Somalia la gashay shirkado ajnabi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan ayay ahayd markii Guddi dalalka deeqda siiya Soomaaliya u qaabilsan kormeerka dhaqaalaha la siiyo dowlada Federaalka Soomaaliya ay caddeeyeen in heshiisyada waaweyn ee dowladda Soomaaliya gashay iyo qandaraasyada ay bixisay labadii sano ee la soo dhaafay (intii uu xilka hayay madaxweyne Xasan Sheekh) aysan ahayn heshiisyo loo tartmayay oo sharci ah, loona baahan yahay in din looga wadahadlo ama la baabi’iyo.

Arrintan dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ka dhigeysa dowlad musuqmaasuq ku talax tagtay waxaa bartamihii Febraayo 2015 wax ka qortayWakaalada wararka Reurters oo sida ay sheegtay soo xigatay warbixin qarsoodi ah oo guddigu lagu magacaabo Finance Governance Committee (FGC) soo saareen markii ay dib u eegis ku sameeyeen heshiisyada iyo qandaraasyada ay bixisay dowladda.

Guddigan ayaa beesha caalamka u sameysay sidii ay dowladda Soomaaliya uga saacidi lahaayeen inay dhaqaalaha soo gala u maamusho si sharci ah.Guddigan waxaa la dhisay kadib markii dalalka deeqda bixiya ay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya qaabka ay u maamusho hantida Qaranka. wuxuuna guddigani ka kooban yahay lix xubnood oo saddex ka mida ay ka socdaan Bankiga adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bankiga horumarinta Afrika, iyadoo saddexda xubnood ee kalena ay dowladda soo xushay.

Dowladda Soomaaliya waxay gashay heshiisyo shirkado shisheeye ay ku wareejisay maamulka Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo weliba shirkado la siiyay ruqsad ay uga kaluumeystaan biyaha Soomaaliya, laakiin waxay heshiisyadan qaabka lo galay careysiiyeen dadka Soomaaliyeed oo baarlamaanku ugu horeeyo iyo beesha caalamka oo ka walaacsan sida loo maamulayo hantida qaranka, iyadoo qaabka sharcigu ahaa in guddi iib qaran ah loo xilsaaro arrintaasi oo si furan laguna tartamo loo bixiyo haddiiba ay dhacdo in heshiisyo la galayo ama qandaraasyo dowladdu bixinayso.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku guuldarresytay inuu sharciga waafajiyo heshiiyadii Garoonka iyo Dekadda Muqdisho, kadib markii wasiiro ka amar qaadanaya madaxweynaha ay heshiisyadaasi galeen.

Guddiga Finance Governance Committee (FGC) warbixintiisii soo baxday Janaayo 2015 waxay ku sheegeen inay dib u eegis ku sameeyeen 9 heshiis oo ka mida 11 heshiis iyo qandaraas oo dowladda Federaalka ay bixisay. Waxayna arrinta ku soo gunaanadeen: In 11 heshiis midkoodna aan loo tartamin, isla markaana aan wax qodobo sharci ah ama shuruudo loo eegayo la marin.

Heshiis ay guddigani dib u eegis ku sameeyaan balse aan ka mid ahayn 11-ka heshiis ee hore ayaa la sheegay inay dowladda Federaalka ka noqotay, heshiiskaas oo dowladu la gashay shirkad Mareykan ah oo lagu magacaabo Shulman Rogers si ay dib ugu soo celiso hantidii Soomaaliyeed ee dalalka dibadda lagu xayiray kadib 1991.

Guddigani wuxuu kaloo soo jeediyay in la laalo heshiiska dowladda Soomaaliya la gashay Shirkadda lagu magacaabo AMO Shipping Company Ltd, heshiiskaas oo la saxiixay July 29, 2013, wuxuu ku saabsanaa in shirkaddu keento lix Doon oo ilaalinta xeebaha loo adeegsado qiimahooduna gaarayo 150 Milyan oo doolar 132 million euros ($150 million); waxayna gudddigu sheegeen inay lacagtaasi tahay mid aad ugu badan marka loo eego dowlad miisaaniyad sanadeedkeedu yahay $216 Milyan oo doolar.

Heshiis kale oo Guddigu cambaareeyay wuxuu ahaa mid lala saxiixday FishGuard Ltd 25 July, 2103 oo ah shirkad ka diiwaan gashay Mauritius oo ay leeyihiin saraakiil hore oo Ingiriis ah. Shirkadani waxaa xaq loo siiyay inay bixin karto ruqsada kalluumeysiga biyaha Soomaaliya iyo ilaalinta kheyraadka Badda.

Sidoo kale wuxuu guddigu soo jeediyay in dib looga wadahadalo heshiisyada lala galay shirkadaha Turkiga ee hadda maamula Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho oo ah ilaha ugu waaweyn ee dowladdu dakhligu ka soo galo.

Heshiiska shirkadda Albayrak Turizm Insaat Ticaret kula wareegtay maamulka dekadda waxay Guddigu FGC ku baaqeen in si saaxiibtinimo ah dib looga wadahadlo qodobadda dhibaateysan ee quseeya sida dhaqaalaha loogu qeybinayo dowladda iyo shirkadda Albayrak. waxayna guddigu sheegayaan in dowladda ay ka dhawaajisay isbedel lagu sameeyo qodobadani.

Sida Guddigu sheegayo waxaa kaloo wax ka bedel u baahan heshiiska shirkadda Favori LLC ee June 30, 2013 kula wareegtay maamulka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, heshiiskaas oo aan ahayn mid saxan, isla markaana qiimaha Favori loo qoondeeyay uu yahay mid baahsan oo aan saleysneyn.

Qoraal ku taariikheysnaa 20-kii Oktoobar 2014 oo wasiirkii Maaliyadda ee hore Xuseen Cali Xalane u qoray guddiga FGC ayuu ku sheegay wasiirku in dowladda iyo shirkada Favori ay isla garteen inay dib uga wadahadlaan heshiiska.

Isha: Gobjooge