Khilaaf ka taagan guddi doorasho oo uu magacaabay Cabdi Weli Gaas

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa ka horyimid xubno gaaraya 7 oo uu magacaabay madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas,kuwaas oo ay xildhibaannada diideen.

Madaxweyne Gaas ayaa magacaabay 7 xubnood oo uu ka koobnaanayo Guddiga doorashada Madaxweynaha ee Puntland,taas oo dhaceysa Sanadka 2019ka.

Xildhibaannada ayaa diiday Magacaabista Guddigaas oo ay ku doodayaan in qaarkood aysan ku saleysneyn sharciga Puntland halka XIldhibaannada qaar ay guud ahaamba xubnaha guddiga ku diideen in ay u badabyihiin kuwo u janjeera dhinaca Gaas.

Madaxweyne Gaas oo shalay ka laabtay Muqdisho ayaa markii uu tagay magaalada Garowe waxaa uu la kulmay XIldhibaannada diidday Guddiga doorashada Puntland ee 2019ka.

Kulankaas ayaa ku dhamaaday isfaham waa waxaana wali jira khilaafka u dhaxeeya Gaas iyo Xildhibaannada diiddan magacaabista Guddigaas oo ay ku eedeeyeen in uusan ahayn Guddi dhex dhexaad ka noqon kara doorashada Puntland ee 2019-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com