Khilaaf  ku saabsan wasiirada ugu muhiimsan DF oo ka dhex qarxay beelaha Habargidir iyo Abgaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in la-tashiyo dheeraad ah ay socdaan oo ku saabsan dhameystirka liiska Golaha Wasiisrada, waxaana la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha dhawaan soo gabagabeeyo wadatashiyada uu ku jiro beelaha Soomaaliyeed.

Magacaabista golaha wasiirada ayaa loogu baahday waqti dheeraad maadaama ay soo if baxeyn khilaaf xoogaan oo ka dhex bilawday beelaha Abgaal iyo Habargidir oo loolan adag ugu jiro sidii ay mid kasta ay u heli laheyd wasiirada ugu muhiimsan xukuumadda Kheyr ku dhawaaqayo.

Beelaha Abgaal iyo Habargidir ayaa la filayaa inay helaan wasiirada arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka waxayna isku heystaan sidii ay u kala qaadan lahaayeen.

Ilo wareed ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in la wado qorshe ah in mid ka mid ah beelaha Hawiye, Wasiir darajadiisa hoosey iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen la isugu daro, si loo qanciyo, halka Wasiirka muhiimka ee la siiyo Beel kale.

Arrintan ayaa la sheegay inay noqotay tan keentay in wada tashiyo dheeraad loogu baahdo, si beelaha loo qanciyo, waxaa lagu wadaa in caawa la dhameeyo waxyaabaha yar yar.

Xilalka wasiirada muhiimka ah iyo u qeybinta beelaha ayaa ah arrinta ugu weyn ee hortaalla Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku wareersan beelaha Soomaaliyed.

Magacaabista golaha wasiirada ayaa u dhacday asbuuca dambe waxaana la filayaa inay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha qanciyaan dhammaan beelaha isku hardamayo xilalka ugu muhiimsan ee golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com