Khilaaf u dhaxeeya Cumar Filish iyo Caana-boore oo cirka isku shareeray – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeestay khilaaf muddo bilooyin ah u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo ku xigeenkiisa 1-aad ee dhinaca maaliyadda Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caana-boore, kaas oo ka dhashay muran dhinaca maaliyadda ah. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaysa in murankaan oo soo taagnaa muddo bilooyin ah uu salka ku haayo qaabka lacagta looga bixinayo akoonka dowladda Hoose ee laga furay Bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay. 

Inkastoo saxiixa lacag la soo bixidda ay kuwada qoranyihiin labadaan masuul, haddana waxaa lacag kasta oo la soo bixinayo la socoto warqad ka soo baxeysa xafiiska guddoomiyaha iyadoo la’anteed aan lacag la soo bixin karin. 

Guddoomiye Caana-boore ayaa diiday in uu saxiixo Jeeg lacag la bixid ah kadib markii isaga hore looga diiday in loo qoro warqad ka socoto xafiiska duqa oo xoojisa Jeega ay saxiixaan labada mas’uul waxaana la sheegay in arrintaas ay sababtay muran xoogan oo ilaa hadda taagan, islamarkaana laga dareemay xarunta gobalka Banaadir. 

Wali qaar kamid ah shaqaalaha Gobalka Banaadir ayaa qaadan mushaarkii bishii May, iyadoo ay dhamaatay bishii kale ee Juun waxayna sidaas mushaar la’aan ku yihiin laba bilood. Shaqaalaha aan mushaarka qaadan ayaa ka tirsan xafiiska duqa iyo xafiiska arrimaha bulshada ee dowladda Hoose ee Xamar. 

Lacagta uu saxiixeeda muranka ka dhashay ayaa la sheegay in labadan mas’uul ay si shaqsi ah u isticmaali rabeen, waxaana la sheegay in marka hore uu la baxay guddoomiyaha gobalka Banaadir isagoo sababta ku sheegay in uu isaga bixin doono kiro guro iyo arrimo kale, halka ku xigeenkiisana sidaas oo kale uu soo qortay balse guddoomiyaha gobalka ayaa diiday in uu saxiixo sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan gobalka Banaadir.