Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay wasiirka cadaaladda DF Somalia iyo gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa soo shaacbaxay Khilaaf weyn oo u dhaxeeya Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed.

Khilaafkan ayaa ka dhashay dhismaha iyo aas aaska Mac-hadka tababarka Garsoorayaasha iyo kaaliyayaasha ee Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday Guddoomiyaha Maxkamadda sare 6dii Bishan july ayuu ku casuumay Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka in uu 17ka July, Hotelka Jaziira uga qeybgalo shir soconayo afar Cesho oo looga tashanayo dhismaha Mac-hadka Garsoorka Dalka.

Laba Maalmood kaddib Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa magacaabay Guddiga diyaarinaya Imtixaanka Garsoorenimo iyo Kaaliyenimo, waxaana uu sameeyay Guddoomiye iyo xubnaha Guddiga.

10kii Bishan ayuu Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka ka soo jawaabay Warqaddii casuumadda ka tashiga aas aaska Mac-hadka tababarka Garsoorayaasha iyo Kaaliyayaasha,waxaana uu Warqaddiisa ku sheegay in diyaarinta sharciga Mac-hadkaas ay waddo wasaaradda meel gabo-gabo ah uu marayo sharciyanna uu Mac-hadku hoostago Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka.

 

 

 

Arrintan ayaa u muuqata tartan dhinaca awoodda ah oo u dhaxeeya Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.