Khilaafka cusub ee ka dhex taagan madaxda Galmudug oo banaanka u soo baxay iyo xaaladda oo aad u xun

Muqdisho (Caasimadda Online) – Khilaaf cusub oo ka dhex taagan maamulka Galmudug ayaa soo shaac baxay iyadoo ay magaalada Muqdisho ka sheegeen in midowgii Ahlu suna iyo Galmudug la isku mari la’ yahay.

Kulan ay xalay Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mida madaxda Galmudug iyo xildhibannada maamulkaasi ayaa lagu caddeeyay inuu taagan yahay khilaaf ka dhex taagan Maamulka Galmudug, sida uu shaaciyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Khilaafka cusub ee Galmudug ayaa ka taagan qaabka isku darka Baarlamaanada Ahlu suna iyo Galmudug, waxaana mar kale kala taagan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo dhinac ah iyo Madaxweyne Xaaf iyo madaxda xukuumada Sheekh Axmed Shaakir oo dhinac kale ah.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku doodaya in ay sharci darro tahay, lana dhinac maray Dastuurka Galmudug markii la isku daray Galmudug iyo Ahlusunna, iyadoo Madaxweyne Xaaf u iskiisa u bedelay Dastuurkii, waqtiga uu kororsaday.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu soo xalinayo khilaafka cusub ee ka taagan ee maamulka Galmudug. Wuxuuna intaas ku daray in Galmudug ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo muddo 4 sano ah kororsaday markii la sheegay in baarlamaanka Galmudug uu ansixiyey dastuur cusub ayaan wax hadal ah ka soo saarin arrintan, waxayna xaaladda u muuqataa in Galmudug ay mar kale cagta saartay khilaaf cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com