Khilaafka R/W Kheyre iyo CAWAD oo kasii daray iyo mas’uuliyiin kuso baxay!!

Muqdisho( Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Khilaaf siyaasadeed ka dhex aloosan Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Khilaafka labadan mas’uul oo taagan ku dhawaad Seddex asbuuc ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhashay shaqooyinka DFS kala dhexeeya caalamka intiisa kale.

Khilaafka Kheyre iyo Cawad oo markiisa hore ahaa isfahan’waa ka dhextaagnaa labada mas’uul, ayaa waxaa haddana soo baxaaya warar sheegaya in Cawad uu u janjeersaday dowlad Imaaraadka oo khilaaf weyn uu kala dhexeeyo Somalia.

Warar hoose oo ku saabsan khilaafka ayaa sheegaya in cawad uu isku dayay in Imaaraadka uu uga hiiliyo Somalia, taa oo tuhun weyn kala dhex dhigtay Ra’isul wasaaraha iyo isaga.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in cawad iminka uu ka shaqeynaayo sida dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirka Somalia iyo Imaaraadka, waxaana arrinkaasi si toosa u diiday Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre oo ka mideysan fogeynta Imaaraadka.

Sidoo kale, Khilaafka Kheyre iyo Cawad ayaa cirka galay kadib markii Wasiir cawad uu kulamo aan la ogeyn dalka dibadiisa kula qaatay wafdi ka socday Wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka kuwaa oo la rumeysan yahay inay kala hadleen arrimo khuseeyay siyaasada iyo dib usoo nooleynta xiriirka Somalia.

Xiriir hoosaadka shakiga badan abuuray ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad kala dhexeeya dowlada Imaaraadka ayaa sabab u noqday in Wasiirka laga reebo safari dhowr ah oo madaxda DFS ay ku aadeysay dalka dibadiisa.

Sidoo kale, mas’uuliyiin ku dhow dhow xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa laga soo xigtay in iminka uu jiro isku soo dhawaanshi u dhexeeya Kheyre iyo Cawad oo maalmahaani ku kala fogaa siyaasada dibadda.

Labada mas’uul ayaa waxaa ka dhex shaqeynaaya mas’uuliyiin kale oo ka tirsan isla Xukuumada, maadaama Wasiir Cawad uu ku imaaday rabitaanka Madaxweyne Farmaajo.

Docda kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa ka mideysan in lasoo afjaro shaqooyinka cid waliba oo xiriir dhow la sameysa Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com