Hoggaamiyayaasha Muqdisho waa in ay joojiyaan farriimaha is khilaafsan ee ka soo baxaya iyo in ay u isticmaalaan shirka dhismaha Dawlad-goboleekda Koonfur-galbeed xeelad ay ku xalliyaan khilaafkooda siyaasadeed, ayay leeyihiin saamileey iyo indha-indheeyayaal.
Dib-u-dhaca ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka wakiil ah xukuumadda federaalka uu u yeeray ergadii wasiirrada ahaa ee u xilsaarneeyd in ay la socdaan habsami u socodka shirka si ay uga soo qayb-galaan kulan wadatashi oo ka dhacay Muqdisho Sabtidii (1-dii November), saddex maalmood kadib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud furay shirka.
Shirku waa uu sii socon doonaa inta wadatashigu dhacayo, laakiin dastuurka cusub ee dawlad-goboleedka cod looma qaadi doono madaxweynaha gobolkana lama dooran doono illaa iyo la soo gabagabeeyo wadatashiga Muqdisho, ayuu ra’iisul-wasaaruhu ku yiri hadal uu soo saaray.
Si loo qaboojiyo dareen ku aaddan in tallaabada ra’iisul-wasaaruhu tahay tallaabo uu kali ku yahay calaamadna u ah khilaafka ka dhextaagan isaga iyo madaxweynaha, ayuu Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu Axaddii taageeray go’aankaas isaga oo ku boorriyay saamilayda ku sugan Baydhaba in ay is dajiyaan.
“Aniga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha Soomaaliya, waan ku raacsanahay go’aanka ra’iisul-wasaaraha ee ah in la qabto kulan wadatashi oo lagu maareeynayo cabashooyinka soo baxaya,” ayuu Jawaari ku yiri hadal uu soo saaray. “Waxan sidoo kale ugu baaqayaa dadka deegaanka gobolladaas in ay ilaaliyaan nabadda iyo nidaamka.”
Shirku waa in uu sii socdaa waana in aan la dadajin, ayuu sheegay, isaga oo u mahadnaqay dhammaan mas’uuliyiinta ka shaqeeynaysa dhismaha dawlad-goboleedka cusub.
Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Xaaji Cabdinuur, oo ah hoggamiyaha mid ka mida labada garab-siyaasadeed ee Baydhaba, ayaa sheegay in ayan jirin wax cabashooyin cusub ah oo soo baxay waxayan aheeyd wax laga qoomameeyo in loogu yeeray ergadii federaalka qaddiyado aan xiriir la laheeyn dhismaha Dawlad-goboleedka cusub ee Koonfur-galbeed.
“Shirkan waxa dib loogu dhigay sababtoo ah aragtiyada kala duwan ee madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaraha, laakiin khilaafkooda saameeyn kuma yeelan doono shaqada socota,” ayuu yiri.
Isaga oo la hadlaya Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da Isniintii, ayuu Cabdinuur ka gaabsaday in uu ka horyimaado amarka ra’iisul-wasaaraha laakiin waxa uu sheegay in kaalinta xukuumadda federaalku ku leedahay shirka uu kaliya yahay la tashi, bixinta taageero farsamo marka loo baahdo iyo in ay fududeeyso hannaanka shirka u socdo.
Hannaanka waxa gacanta ku haya ergada 370-ka ah ee Baydhaba joogta horay ayayna u socon doonaan, ayuu sheegay, isaga oo intaa raaciyay, “Waxan waydiisaneeynaa xukuumadda [federaalka] in ay joojiso faragalinta shaqada ergooyinka.”
Maxamuud Sheekh Maadday, oo ah 30-jir reer Baydhabood ah oo u tartamaya erganimada oo shirka lagu dhisayo dawlad-goboleedka uga qayb-galaya duljooge ahaan, ayaa sheegay in jadwalkii kulamada ergada uu la weecday amarka ra’iisul-wasaaraha.
“Ergadu maalin walba waxay yimaadaan hoolka shirka waxayna ka doodaan dastuurka cusub ee dawlad-goboleedka, laakiin hadda waxay u egtahay in ay sugayaan shirka wadatashiga ee xukuumadda [si cod loogu qaado],” ayuu sheegay, isaga oo intaa raaciyay in jadwalkii hore ahaa in ergadu ka dooddo maalin kaliya.
Cudurka siyaasadda Soomaaliya
Warsame Cali Xasan, oo hoggaanka iyo maamulka ka dhiga Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa sheegay in shirka Baydhaba dib loogu dhigay sababo siyaasadeed si ay saameeyn ugu yeeshaan hoggaamiyayaasha ka soo baxaya.
“Waa mid ka mida cudurrada siyaasadda Soomaaliya. Markasta oo uu khilaaf soo kala dhex galo siyaasiyiinta, waa ay iska illaawaan danaha maslaxadda guud,” ayuu yiri.
Madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaraha waxay aheeyd in khilaafkooda ay ka dhowraan shirka Baydhaba, ayuu sheegay. Hadda oo ay labada qaddiyadood is dhex-galeen, ayay guusha iyo horusocodka shirkii socday ee dhismaha Dawlad-gobleedka Koonfur-galbeed waxay ku xiran tahay hadba sidii loo xalliyo khilaafkooda shakhsiga ah, ayuu raaciyay.
Shirka ayaa furmay 28-kii October ujeedkiisuna waa dhismaha Dawald-goboleedka Koonfur-galbeed oo ka koobnaan doona, gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, inkasta oo ay jirto diidmo ka imanaysa taageerayaasha lixda gobol.
Wakiillo ka socda saddexda gobol ayaa ku kulmay Baydhaba bishii September ka hor shirka dhismaha Dawlad-goboleekda Koonfur-galbeed si ay uga heshiiyaan khilaafkooda una diyaariyaan shirka hadda socda, ayuu yiri ergayga hoggaamiye-dhaqameedka ah Malaaq Cali Cabdiraxmaan.
Illaa iyo hadda, ayuu sheegay, waxaa la xulay guddigii doorashada iyada oo xubno is le’eg oo ka kala socda saddexda gobol ay dib-u-eegid ku sameeynayaan dasatuurka.
“Hindisaha lagu dhisayo maamul goboleedka muddo dheer ayuu halkan ka socday, meel fiicanna waa uu marayaa inkasta oo ay khilaafyo jireen,” ayuu yiri.
Dhinaca kale, Madoobe Nunoow Maxamed, madaxweynaha garabka dawlad-goboleedka lixda gobol oo ay sidoo kale ku jiraan Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, ayaa sii waday muujinta sida uu u diidan yahay hannaanka shirka Baydhaba ee dhismaha dawlad-goboleedka.
Maxamed Kheyroow Cismaan, oo ah caaqil taageersan kooxda Madoobe, ayaa sheegay in shirka hadda socda uu yahay mid sharci-darro ah sababtoo ah kama tarjumayo rabitaanka dadka ka soo jeeda gobollada dhan.
“Ma oggolaan doonno shirkan iyo waxa ka soo baxa,” ayuu yiri. “Waxaan isku diidannahay in shirkan uu khilaafsan yahay nidaamka dalka u yaal oo ah in maamullada ay soo dhistaan dadka deggan gobollada maamulka loo sameynayo.”
“Sidaa darteed, ma ogolin wax shacabka koonfur-galbeed ay ka soo horjeedaan, wax kasta oo ay nagu qaadato,” ayuu yiri.

