Khilaafka Xildhibaanada taageersan Jawaari & Mooshin wadayaasha oo cirka isku sii shareeray (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka ka dhashay Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Khilaafka ayaa waxaa cirka ku tolay Xildhibaanada garabka kasoo horjeeda Mooshinka ee taabacsan Guddoomiye Jawaari, kadib markii ay asbuuc gudahiisa ay soo saaren qoraalo lagu carqaladeynaayo Mooshinka.

Xildhibaanada Jawaari oo marba marka xigta kasii yaraanaya tirada ay yihiin ayaa ku doodaya inay ka fashilin doonaan Mooshinka laga wado Guddoomiyaha.

Xildhibaanada Jawaari taabacsan ayaa dhaliisha ugu badan Mooshinka dusha ka saaraya Xukuumada Somalia, waxaana xusid mudan in Mooshin wadayaasha is diiwaan galiyay ay hor boodayaan Wasiiro, Ku-xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal farabadan.

Waxyaabaha khilaafka cirka ku talay ayaa waxaa kamid ah labadii kulan ee ugu danbeysay oo Villa Hargeysa ay ku yeesheen Xildhibaanada taageersan Jawaari, kuwaa oo ay kasoo saaren qodobo u muuqday mid lagu cadaadinaayo Mooshin wadayaasha.

Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshinka wada oo saacadihii ugu danbeeyay kulamo ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa dhankooda ka beeniyay jiritaanka garabka kale, waxa ayna sheegen in Mooshinka uu yahay aqbal.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad u adag in xal loo helo Mooshinka iminka laga wado Guddoomiye Jawaari, waxaana sii kordhaaya cadadka Mooshin wadayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com