Jawaari iyo Xisbiga Daljir oo qorsheenaya inay weerar dhanka saxaafadda ah ku qaadaan Safiirka Mareykanka iyo sababta keentay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo Xisbiga Wadajir ayaa qorsheenayo inay dagaal dhanka Saxaafadda ah ku qaadaan Safiirka Dalka Mareykanka Martin Dale.

Cismad Caynte oo la dhashay Cabdiraxmaan Ceynte isla markaasna uu Abti u yahay Guddoomiyaha Xisbiga Daljir ayaa baraha Bulshada soo dhigay qoraal uu ku baaqayo in weerar lagu qaado safiirka Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya isagoo fulinayo Amarka Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir.

Guddoomiyaha Xisbiga Daljir ayaa amar ku bixiyey in dagaal Social Mediayaha ah lala galo Safiirka Mareykanka kadib markii ay ku eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale waxaa dagaalkaan qeyb ka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo Xildhibaano ka tirsan kuwa isaga  la safan kuwaas oo  waraaq u diray Safiirka Mareykanka.

Dagaalkaan ayaa waxaa sabab u ah kadib markii siihayaha Xilka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uu Guddoomiye Jawaari u sheegay inuu is casilo.

Safiirka ayaa jawaari ku eedeeyey inuu dhaqan xun ku hayo Xukuumadda Xasan Cali Kheyre isla markaasna ay Xukuumadda isaga ka shaqeyn la’dahay.

Go’aanka Safiirka Mareykanka ee Xiisadda Jawaari iyo Kheyre ayaa sababay inay Xildhibaano taageersan jawaari u qoraan waraaq cabasho ah waxayna Caasimadda xogta ku heshay inaay weli wax jawaab ah laga siin waraaqda ay qoreen.

halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Cismad Caynte soo qoray

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com