Liiska Xildhibaanada Foodada ku hayo gudbinta Mooshinka Jawaari oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xalay Villa Hargeysa Kulan ku yeeshay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka oo u badan ashqaas dano siyaasadeed uga faa’iidaysanayaa khilaafka sharci ee u dhaxeeya Golaha Barlamaanka iyo Xukuumadda.

Xildhibaanadan Kulmay waxaa horkacaya Mahad Salaad, Odowaa, Xil Saabir oo shacabku ku xasuusto fursad ka raadintii & iska horkeenkii ay hore ugu fashilmeen inay dawladda iyo Bulshada kala shaki kaga dhex abuuraan dhacdooyinkii Bariire, & Qalbidhagax.

Kooxdan danleyda siyaasadeed ah oo wixii ka dambeeyay curashada gu’gii rabitaanka shacabka ee 8 February iska waayay fagaarayaasha maadama oo ay weli xiran yihiin shaadhadhka musuqa iyo weerka ku danaysiga hantida qaranka ee Dawladda Farmaajo ka taqalustay.

Kooxdan ayaa si weyn udanaynaya inay cirka kusii shareeraan ismaandhaafka sharci ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda waxaana taasi tusaale nool u ah soo jeedintoodi caawa oo noqotay inay warbaahinta mariyaan warar sheegaya in uu buray mooshinka fadhigiisa Sabtida loo balansan yahay.

Kooxdan danleyda ahi iyagu dhinacna taageero uma aha balse waxay raadinayaa fursado iyo jaanis siyaasadeed oo ay markale kusoo noolayn karaan awoodoodi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com