Dadka Soomaaliyeed ee adeegsada Baraha Bulshada oo si yaab leh uga hadlay kulanka Villa hargeysa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadka Soomaaliyeed ee ka aragti dhiibtay Xildhibaannada xalay ku shiray Villa Hargeysa oo ku dhawaaqay Guddiga bad-baadinta Baarlamaanka ayaa ku kala aragti duwan.

Baraha Bulshada ee Soomaalidu adeegsato ayaa waxaa ka taagan dood ku saabsan tirade la sheegay in ay ahaayeen xildhibaannada shiray, Guddiga ay ku dhawaaqeen iyo halka uu ku danbeeyey mooshinka?

  1. Tirada Xildhibaannada shiray

Muuqaallada iyo sawirrada laga qaaday shirkii Villa Hargeysa waxa ay noqdeen kuwo ay si weyn ugu jees jeesaan dad badan oo adeegsada baraha bulshada, iyagoona sheegayey in tirade ka muuqata muuqallada iyo sawirrada aysan ka badnayn 40 Xildhibaan.

“Miis dheer oo kuraas dhinacyada laga soo dhigay xildhibaanno ku shiray baa 120 ah idin kama yeelin, bal dhab u fiiriya sawirkan oo tiriya dadka goobta ku sugan, xitaa markii lagu daro wariyaasha wax duubaya dhammaantooda 50 qof ma gaaraan.” Ayuu yiri Maxamed Xasan.

Sidoo kale, dadka qaar ayaa ku doodaya haddii tirada ay tahay sida la sheegay 120qof maxay u saxiixi waayeen war murtiyeedka la soo saaray ama ay uga qeyb gali waayeen markii la akhrinayey si ay u muujiyaan cududdooda iyo inta ay gaarsiisantahay awood ay leeyihiin Xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

  1. Guddiga Badbaadada Baarlamaanka

Guddigan oo xalay lagaga dhawaaqay Villa Hargeysa ayaa dadka intooda badan waxa ay shaki galinayaan ujeedka loo asaasay iyo shakhsiyaadka gaarka ah ee ku daneysanaya muranka siyaasadeed eek a jira Baarlmaanka.

“Waligay ma arag Hay’ad Dawladeed oo la leeyahay hadii qofka Madaxa ka ah la badalo waa bur bureysaa maanta ka hor. 4tii sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxaad ridden 4 Raiisul Wasaare iyo 4 Xukuumadood mana arkin cid ku doodeysa badbaadin Qaran,  maxa markaas la isugu xiri waayey badbaadinta Xukuumadda iyo Qaranka, mase Jawaari baaba Qaranka oo dhan ah maanta waa yaabe.”  Sidaas waxaa yiri Abdikani Mohamed oo ka jawaab celinaayey qoraal uu bartiisa Facebooka soo dhigay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

  1. Mooshinku ma buburay mase waa jiraa?

Dadka falaanqeeya siyaasadda, sida weynna looga dhex yaqaan baraha bulshada ayaa qoraya in xaaladda taagan aysan intaas ku ekaaneyn , jahwareerka siyaasadeedna aan laga baxayn iyo inta sharcigu dhinac u tuurayo arrinka mooshinka, taas oo ka dhigan in si deg deg ah Mudanayaasha Baarlamaanku cod ugu qaadan. Arrinkan oo muujin doona tirada Xildhibaannada ay kala haystaan labada dhinac iyo cidda ku awood badan Golaha Shacabka.

“Mahadow haddii aad haysataan 120 Xildhibaan oo aad Jawaari bad baadin kartaan maxaa ugu ordeysaan booshinkii waa bur buray, runta aan isu sheegno dalku saan kuma sii jiri karo iyo in qof gaar ah ay u curyaanto shaqadii dowladda oo dhan.” Ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka aragti dhiibtay qoraal uu arrinkan kaga hadlayo Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Mudanayaasha u janjeera dhinaca Guddoomiye Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com