Khilaafkii Jubbaland iyo BFS oo la dhammeeyay

Kismaayo (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in la dhameeyay khilaafkii ugu dhaxeeyay baarlamaanka maamulka Jubbaland iyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaasi oo ka dhashay soo xulista baarlamaanka maamulkaasi.

SHeik Cabdi Maxamed C/raxmaan, gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa isaga oo ku laabtay magaalada Kismaayo wuxuu kaga hadlay qaabka loo dhameeyay khilaafka baarlamaanka Jubbaland iyo dowlada Federaalka.

Kadib kulamo ay wada qaateen isaga iyo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayuu sheegay iney ku dhameeyeen khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Jubbaland iyo dowlada federaalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“In la wada shaqeeyo ayaan isla garanay gudoomiye Jawaari, shaqada ugu sii muhiimsan waxay aheyd in baarlamaanka Jubbaland iyo baarlamaanka federaalka wada shaqeeyaan, waxii tagay waa laga soo gudbay, laakiin hadda kadib wadashaqeyn iyo xiriir wanaagsan ayaa na dhexmarayo”ayuu yiri Sheikh Cabdi.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhismihii doodo badan ka keenay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Jubbaland, waxayna markii dambe keeneen baarlamaanka dhexdiisa mooshin, wallow aan waxba laga soo qaadin mooshinkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com