Soomaalida ISLII oo hurdada ka kacday & arrin taagan oo go’aan xasaasi ah laga soo saaray..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal Soomaali goobo ganacsi ku leh Xaafada Islii magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qaadacay go’aan kasoo baxay maamulka Nairobi.

Go’aanka ay qaadaceen Ganacsatada Soomaalida ayaa ah inay bixiyaan lacagaha canshuur, waxa ayna Soomaalidu si cad u diiden inay bixiyaan lacagahaasi canshuurta ah.

Ganacsatada ayaa go’aanka gaaray kadib markii ay Dowlada Kenya ku eedeeyen inay ku guul-dareysatay bixinta adeegyadii looga baahnaa sida qashin aruurinta iyo nadiifinta dariiqyada xaafada Islii oo dadka qarka ay qarka u saaran yihiin in halkaasi ay ka barakacaan qashinka aawgii.

Go’aanka waxaa kaloo lagu xusay inaan la bixin lacagta Shatiga Ganacsiga iyo Milkiyadda Guryaha laga bilaabo sannadka soo socda ee 2016-ka oo ay maalmo kooban ka harsan.

Bishii June ee sanadkan ayay shacabka xaafada Islii dhigeen banaanbaxyo ay uga cabanayaan dariiqyadii xaafada Islii oo qashan dartiis la mari la’yahay.

Dhanka kale, dhaqan galka go’aankaasi ayaa bilaaban doona sanadka cusub, waxaana suuragal ah in go’aankaasi uu saameyn ku yeesho Soomaalida Islii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com