JAWAARI OO RAALI GELIN BUUXDA BIXIYEY..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa raalin gelin buuxda siiyay Dhalinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ah joogaan isaga ka raali geliyay burburka haatan ka jira dalka Soomaaliya.

Jawaari, wuxuu sheegay in awoowayaasha Soomaaliyeed ay u dhiibeen dadka isaga la da’da ah iyo kuwa kaweynba dalka Soomaaliya oo kala dambeyn iyo nabadgalyo ka jirto, balse ay iyaga burburiyeen, sida uu hadalka u la jeeday Jawaar.

Jawaari, ayaa tilmaamay iney qirayaan in burburka dalka Soomaaliya uu saameeyay dhalinyarada Soomaaliya eek u taameysa iney horumar gaaraan, laakiin iminka la heysto fursad dalka lagu soo celin karo, sida uu sheegay.

“Waxaan idiin leeyahay marka hore raali ahaada, waxaan idinka raaligelinayaa burburka dalka uu haatan ku jiro, waxaan ula jeedaa awoowayaasheenii iyo aabayaasheenii waxay inoo dhiibeen dal wanaagsan, laakiin dadka aniga ila da’da ayaa sidaan ka dhigay”ayuu yiri Jawaari oo dhalinyaro badan lahadlayay.

Dhalinyaro badan oo ku sugneyd halka uu ka hadlayay Jawaari ayaa si aad ah ula dhacay, una sheegay iney ka gudoomeen raali gelinta uu Jawaari bixiyay.

Waa masuulkii ugu horeeyay oo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo raali gelin ka bixiyay burburka dalka oo uu aamisan yahay iney iyaga ka masuul ahaan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com