Shariif Xasan Sheikh oo magac cusub u bixiyey maamulka Bakool Sare ee beesha Ogaadeen.!!

Baydhabo (Caasimada Online) – Kulan golaha wasiirada maamulka koofur galbeed ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ayaa waxaa magac cusub loogu bixiyay maamulka koofur galbeed ee dhawaan laga dhisay magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Shirkaasi oo ahaa mid inta badan diirada lagu saarayay dhismaha maamulka Bakool sare ayaa markii dambe waxaa la isku raacay in maamulka koofur Galbeed u aqoonsan yahay maamulka Bakool sare Qaswadayaal diidan maamulka Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Maxamed Xasan Fiqi, oo kamid ah wasiirada maamulka koofur galbeed ayaa sheegay in maamulkooda u aqoonsan yihiin Maamulka Ceelbarde kuwi qaswadayaal ah islamarkaana aysan aheyn mid kasii shaqeynaya deegaanada gobolka Bakool.

Wuxuu sheegay wasiirka beeraha ee koofur Galbeed in magaalooyinka looga dhawaaqay Bakool sare ay hoos yimaadaan maamulka uu ka tirsan yahay, ayna dhici karin in deegaano maamul leh maamulo kale loo sameeyo.

Sidoo kale Fiqi ayaa tilmaamay in xildhibaano kasoo jeeda Ogaadeen iney kamid ahaayeen xildhibaanadii ugu dambeeyay ee lagu dhaariyay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sidaasi daraadeedna laga qanciyay beelaha deegaanadaasi cabashadii ay ka muujinayeen maamulka koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com