Xog: Fadeexad maaliyadeed oo kusoo baxday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Fadeexad ka dhalatay dood ku saabsan xisaab xirka Miisaaniyadda sanadkii 2014 ee dowladda Federaalka ayaa hareysay baarlamaanka Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen lacago ku maqan wasaaradda maaliyadda oo ay ka mid tahay lacago loo qoray xildhibaanadii Kumeelgaarka ahaa oo la adeegsaday lagana bixiyay Khasnada dowladda.

Doodka xisaabxirka ayaa dhalisay in Guddiga Maaliyadda baarlamaanka uu soo jeediyo inay maqan yihiin lacago fara badan oo aan la bixin kuna qoran xisaabxirka.
Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa u sheegay inaanu la socon xisaab xirka isla markaana ay jiraan kharashaad badan oo aan la soo marsiin isaga.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa baarlamaanka u sheegay inaysan suuragal ahayn in la xisaab xiro iyadoo lacago badan ku maqan yihiin dowladda, isla markaana wuxuu cadeeyay in lacago loo qoray xildhibaano uu ka mid yahay isaga oo aanay weli helin mar walibana lagu dul xirayo xisaabta.

Hanti dhowrka guud wuxuu sheegay in xisaab xirka sanadkii 2014 ay ka darnaan doonto xisaab xirka sanadka sii dhammaanaya ee 2015, waxaana xusid mudan in shaqaalaha dowladda aanay mushaar qaadan qaarkood 4 ilaa 5 bilood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com