25.1 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Khilaafkii weyn oo ka taagan wasaarada warfaafinta kadib go’aankii Bahlaawi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta ayaa shalay  ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta C/risaaq Yuusuf Bahlaawi oo uu wasiirka ku eedeeyey inuu ku dhaqaaqay musuq maasuq loona baahan yahay in lala xisaabtamo.

Haddaba wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inuu Bahlaawi ku gacan seyray inuu xilkaas wareejiyo, wuxuuna ka dhawaajiyey inuusan Wasiirka xag u laheyn inuu shaqo joojin ku sameeyo ama xilka ka qaado marka la fiiriyo xagga sharcigga.

Bahlaawi ayaa ku adkeesanayo inuu yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta isla markaasna uusan sharci aheyn shaqo joojintii lagu sameeyey, waxaana hakad galay dhammaan xafiisyadii wasaaradda kadib markii uu halkaas ka dilaacay buuq ku dhow inuu isku badalo gacan ka hadal.

Waxaa socod kulamo is daba joog ah oo lala yeelanayo Bahlaawi si loogu qanciyo inuu xilkaas wareejiyo inkastoo uu isaga diiday inuu aqbalo waxa uu ku tilmaamay inay yihiin sharci darro.

Dad ku dhow dhow wasiirka ayaa tilmaamayo inuu weli ku sugan yahay xafiiska shaqadiisana uu wato, wuxuuna halkaas u diiday inuu soo galo Cabdiraxmaan Al-Cadaalla oo si kumeel gaar ah xilkaas loogu magacaabay.

Maanta ayaa lagu ballansan yahay kulamo kale oo lagu qancinayo Bahlaawi, lamana qiyaasi karo natiijada kasoo baxi karto, maadaama Bahlaawi uu ku adkeysanayo inuusan marnaba ka dagi doonin xilka Agaasimaha Guud ee wasaaradda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News