Somaliland: BF awood uma laha inay hakiyaan qorshaha saldhiga Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Mooshinka Baarlamaanka Soomaaliya ay ka keeneen heshiishka Saldhiga Berbera ee Imaaraadka laga kireeyey oo baarlamaanka Somaland ogolaadeen.

Siciid Jaamac Cali oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay DFS looga baahan yahay inay ka fiirsato waxyaabaha khuseeya Somaliland oo ay ku sameyneyso faragalinta.

Siciid Jaamac Cali, waxa uu sheegay in Heshiiska dhexmaray dowlada Imaaraadka iyo Somaliland uu yahay mid sharci ah, isla markaana loo joojin doonin Mooshinka horyaal BFS.

Siciid Jaamac Cali, waxa uu sheegay inay laba dal kala yihiin Somaliland iyo Soomaaliya, sidaas darteed wax saamayn ah ku lahayn Mooshinka BFS.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtidda Somaliland Siciid Jaamac Cali, oo arrintaani ka hadlaayay ayaa yiri ”Xildhibaanadda Xamar ee leh heshiish baan burinayaa, dee Somaliland Xamar heshiish lama galin, Somaliland iyo Xamarna laba dal oo kala gaar ah weeyi, dalna dal kale arrimihiisa iyo horumarkiisa kama hadli karo”

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtidda Somaliland, ayaa sheegay in Mooshinka BFS uu la mid yahay mooshin lagu raadinaayo dhaqaale, waxa uuna cadeeyay inaan Mooshinkaasi loo hakin doonin Heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland.

Haddalkaani ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaanadda Qaranka Soomaaliya ay wadaan mooshin ay ku burinayaan Heshiishka saldhiga Militari ee Berbera laga yagleelayo ee Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com