Culumada Puntland iyo Somaliland oo war culus kasoo saaray urur diimeedka cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Culumada Somaliland iyo Puntland ayaa isku aragti ka noqday urur cusub oo dhawaan ku dhawaaqay inay yihiin urur kusoo biiray urur diimeedyada ka jira dalka Soomaaliya.

Culimada Wanaag-farista iyo xumaan reebista ee deegaanada Somaliland ayaa waxay urur-diimeedka Asaadicuuna Bil xaq ku tilmaameen inay yihiin urur Takfiir ah, oo u baahan in laga hortago loona midoobo.

Sidoo kale Culumo Soomaaliyeed oo ka hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in ururkaasi cusub uu yahay urur Takfiiri ah, waxayna ku aragti noqdeen culumada Somaliland ku sugan.

Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo kamid ah Culumada ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegay in ururka Asaaciduun Bil Xaq ay yihiin urur Takfiir ah, loona baahan yahay in loo midoobo ka hortagistooda.

Dhawaan Shirkii golaha wasiirada ee Puntland ayaa looga hadlay ururkan, waxaana war qoraal ah oo shirka kasoo baxay lagu sheegay in kooxdan cusub tahay urur Takfiir ah.

Puntland ayaa ugu baaqday maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah in laga tashto oo la sameeyo siyaasad mideysan oo lagu wajaho dhibaatooyinka caqiido ee soo kordhay.

Urur-diimeedka Asaadicuuna Bil xaq oo shaacbixintiisa loo adeegsaday muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada, waxaa laga taageeray Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe.

Arintan ay ka mideysan yihiin culumada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa wali ka hadlin dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com