Mooshinkii ka dhanka ahaa Shariif Xasan oo si lama filaan usoo noolaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xildhibaanada baarlamaanka maamulka ay Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka u gudbiyeen Gudbiyay Gudoonka Barlamaanka Koofur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa Mooshinka gudbiyay saacad un kadib markii Hogaamiyaha maamulka uu ka baxay Xarunta baarlamaanka oo uu uga qeybgalay kulanka kalfidhiga 3aad ee Barlamaanka.

Mooshinka loo gudbiyay Guddoonka baarlamaanka ayaa waxaa ku saxiixnaa Xildhibaano gaaraya ilaa 70 kuwaa oo Hogaamiyaha ku eedeeyay inuu ku kacay fal Musuq-maasuq ah.

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa ku eedeynaaya Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ku fashilmay Hogaaminta maamulkasi, waxana ay ku sifeeyeen in uu noqday kali taliye ku tagrifala awooda.

Hogaamiyaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan ayaa noqonaaya Hogaamiyaha ugu badan ee laga soo gudbiya Mooshin xil ka qaadis ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com