KHILAAFKII wasaaradda waxbarashada Somalia iyo Puntland oo xal laga gaaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xal laga gaaray khilaafkii dhanka waxbarashada ee mudooyinkii dambe ka dhex jiray wasaaradaha waxbarashada ee maamul goboleedka Puntland iyo tan xukuumadda fedraalka Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Ciise Maas oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay inay arrintaan kala hadleen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaasna uu madaweynaha aqbalay in Shahaadada Dugsiga Sare la siiyo ardayda kasoo qalin jabisay dugsiyada sare ee Puntland.

Senator Saciido Xasan oo ka mid aheyd xunbaha warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegtay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhex taagnaa Dowladda iyo Maamul Goboleedka Puntland, ugu dambeyntii ay kusoo dhamaatay guul iyo isfaham labada dhinac ay ku qanceen.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa ay tilmaameen in Madaxweyne Farmaajo uu hay’addaha ku shaqada leh dhinaca Shahaadada ku amray in ardayda Puntland la siiyo Shahaadada.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Labada Wasaarad Waxbarasho ee heer federal iyo heer Dowlad Goboleed ay isla kaashanaayaan sidii Ardayda ay u geli lahaayeen Imtixaanka kadibna ay u qaadan lahaayeen Shahaada Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya oo ah midda laga aqoonsan yahay caalamka.

Xildhibaanada kasoo jeedo deegaanada Puntland ayaa Wasaaradda Waxbarashada Puntland ugu baaqay inaysan ka hor imaan habraaca Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isla markaasna la dhawro sharciga iyo kala dambeynta.

Ugu dameyntii Xildhibaanada ayaa Madaxda ugu sarreysa Dowladda , Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Waxbarashada maamulkaas uga mahadceliyay sida wanaagsan ee loo dhameeyay Khilaafkii la xiriiray dhinaca Shahaadada Ardayda deegaanada Puntland kaas oo bilihii lasoo dhaafay taagnaa.