Kiisaska Coronavirus ee Somalia oo gaaray 1,054 iyo dhimashada oo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Coronavirus ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 57 xaalado cusub oo COVID-19 ah.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 3 bukaan ay geeriyoodeen cudurka, halka 8 qof oo kalana ay ka bogsoodeen.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23 Somaliland 17 iyo Puntiland 17.

Bukaannda cusub 41 kamid waa rag 16-ka kalana waa haween, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,054 kiis, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 118 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.