Saalax Carab oo dib u helay xoriyadiisa – Shaaciyeyna cadaawad cusub (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) – Fanaan Saalax Carab oo in muddo ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa ayaa maanta dib u helay xoriyadiisa, kadib markii uu dhawaan xabsiga kasoo dhex duubay cod uu ku sheegayo inuu yahay ‘Nin Yemeni ah oo u heesa Soomaalida’.

Sababta rasmiga ee ka dambeysay xariga fanaanka ayaa ilaa hadda cadeyn, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya in loo haystay in uu kawada heesay magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho oo uu kasoo laabtay markii  xabsiga loo taxaabay.

Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga dhigta Fanaaniinta iyo Wariyeyaasha u socdaal magaalada Muqdisho, midaasi oo ay u aragto dambi laga galay qaranka, arrinkaasi oo dhowr jeer dhaliilo kala duwan loogu jeediyay xukuumada, xili ay ku doodo inay ka go’day Soomaaliya.

Fanaan Saalax Carab oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Yemen ayaa sheegay inuusan marnaba abaal kala dhaxeyn fanaaniinta Somaliland, midaasi oo sii if-bixineysa Cadaawad cusub oo dhawaan ka dhex qaraxday fanaanka iyo kooxaha fanka ee Somaliland.

Saalax Carab ayaa bulshada reer Somaliland, xisbiyada mucaaridka iyo Jaaliyadiisa Yementa ee gudaha Somaliland uga mahad-celiyay dadaalka ay ku bixiyeen in uu dib u helo xoriyadiisa.

Fanaanka ayaa muddo ku xidhnaa xabsi ku yaala magaalada Hargeysa, iyada oo ay lasoo daristay xaalad xumo caafimaad, oo xiligaasina gebi ahaanba loo diiday inuu helo adeeg caafimaad.