Senatoro ka tirsan Aqalka Sare oo laga reebay diyaarad ku socotay Kismaayo – Yaa bixiyey amarka? (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Laba ka tirsan Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa maanta laga reebay diyaarad ku socotay magaalada Kismaay iyagoo qorshahooda ahaa sida ay sheegeen iney ka qeyb galaan aaska wasiirkii Waxbarashada Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo dhawaan geeriyooday.

Cabdullaahi Shiekh Ismacil (Fartaag) iyo Iftiin Xasan Baasto ayaa labaduba laga dajiyay diyaarad ku socotay magaalada Kismaayo.

Sida uu saxaafadda u sheegay C/llaahi Fartaag, diyaaradii siday Meydka Wasiirka ayaa soo martay Itoobiya, waxeyna maanta kusoo dagtay Muqdisho ka hor inta aan loo qaadin Kismaayo, wuxuuna ka mid ahaa tiro dad ah oo Kismaayo ugu socday ka qeybgalka Aaska loo sameynayo Wasiirka.

“Markii aan garoonka tagnay ee nala saaray diyaaradii ayuu Sarkaal Nabadsugid ah amar ku bixiyay diyaaradda in la damiyo, soona dagaan dadkii saarnaa,” ayuu C/llaahi Fartaag u sheegay mid ka mid ah warbaahinta maxaliga ah.

Sidoo kale Senator-ka wuxuu cod dheer ku sheegay cidda ka dambeysay xayiraadda la saaray, sidoo kalana wuxuu ka dhawaajiyay in hawlwadeenada diyaaradda loo sheegay ineysan diyaaradda dhoofi karin hadii aan la reebin labadooda.

Fartaag wuxuu saxaafadda sidoo kale u sheegay in amarka looga reebay diyaaradda uu ka yimid Wasiirka Duulista iyo Hawada xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale Hay’adda Nabad-Sugidda.

Ugu dambeyntiina wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Dowladda ay wakhti ku bixiso siyaasi mucaarad ah oo aas u socday.

HALKAAN KA DHAGEYSO