SACUUDI CARABIYA oo ka jawaabtay ‘hanjabaaddii’ TRUMP ee BIN SALMAAN

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hanjabaadii la weriyey in madaxweyne Donald Trump uu u geystay dhaxal-sugaha dalkaa Maxamed Bin Salmaan.

Afayeen u hadlay safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Washington oo lagu magacaabo Fahd Nazer ayaa sheegay in warbixintii Reuters ee ku saabsaneyd wadahadalkii teleefonka ku dhexmaray Donald Trump iyo Maxamed Bin salmaan “aysan ka turjumeynin xushmadda u dhaxaysa labada dhinac.”

Warbixinta Reuters oo soo xigatay saraakiil Maraykan ah ayaa sheegtay in Donald Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga ugu goodiyay in uu joojin doono Taageeradda militari ee boqortooyadda.

Fahd Nazer ayaa warbixinta waxaa uu ku sheegay in ay “gebi ahaanba weecisay nuxurkii iyo ujeedkii wadahadalka” ee dhacay 2-dii April.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Maxamed Bin Salmaan waxaa uu weydiistay in uu yareeyo soo saarka saliidda, si loo xakameeyo qiimaha saliidda caalamka oo hoos u dhacday markii khilaafka u dhexeeya Ruushka iyo Sucuudiga uu sii xoogeystay.

Sucuudiga iyo ururka wadamadda shidaalka dhoofiya ee loo yaqaano OPEC ayaa dhankooda sheegay in ay yareynayaan soo saarka saliidda ceeriin iyagoo ka jawaabaya dalabka Madaxweyne Trump.

Wakaaladda Warraka ee Reuters ayaa kasoo xigatay saraakiil Maraykan ah in dhamaadkii bishii April Madaxweyne Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ugu hanjabay in uu dhimayo taageeradda militari ee Sucuudiga haddii uusan joojin harqinta suuqyadda shidaalka.

Reuters waxay warbixinteeda ku sheegtay in Trump uu Maxamed Bin Salmaan u sheegay in xukuumadda Washington ay la bixi doonto ciidankeeda jooga boqortooyadda haddii ururka OPEC uusan yareyn soo saarka saliidda.