Video: Fartaag oo dhacdadii maanta ‘maxkamad kula tiigsanaya’ Farmaajo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii maanta diyaarad ka duuleysay garoonka Aadan Cadde laga reebay senatorrada kala ah Cabdullaahi Sheekh Ismacil ‘Fartaag’ iyo Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ayaa waxay Muqdisho ku qabteen shir jaraa’id, oo si kulul uga hadleen xayiraadii loo geystay.

Diyaaradda laga reebay labadaas Senator ayaa siday meydka Allaha u naxariistee wasiirkii waxbarashada Jubbaland Macallin Maxamed Ibraahim oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya, kaas oo maanta lagu aasay magaalada Kismaayo.

Fartaag ayaa sheegay in amarka looga reebay diyaaradaas u socotay magaalada Kismaayo ay bixiyeen Taliska Nabad sugidda Soomaaliya iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya.

Senator Fartaag oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka dhawaajiyey in falkaas xayiraadda ah ee lagula kacay ay maxkamad kula tiigsan doonaan Madaxweyne Farmaajo oo sida uu sheegay sharcigii lagu doortay ku tumanaya iyo taliska Nabad sugidda oo uu ku eedeeyay xayiraadii maanta iyo arrimaha ka taagan gobolka Gedo.

“Maxamed Cabdullahi Farmaajo dastuurkii lagu doortay ayuu ku tumanayaa, isaga oo adeegsanaya taliskiisa Nabad sugidda, marka warbahintaan kala hadlayaahe, dastuurkii lagu doortay madaxweynaha meesha ay uga qorantahay in Senator gobolkii laga soo doortay aadaya oo tacsi wada diyaaradda laga reebi karo waan ka rabnaa mana ka aamuseyno illaa maxkamadda ugu sareysa dalkan waan isla  gaareynaa, maadaama uusanba dalku laheyn maxkamadii dastuuriga aheyd,” ayuu yiri Senator Fartaag.

Senator Cabdullahi Fartaag ayaa sidoo kale labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan falalka nuucaan oo kale ah oo dalka ka socda, isagoo ku cel-celiyay in talada dalku ay god kusii dhaceyso.

“Guddoonaka iyo xildhibaanada labada aqal waxaan rabaa arintaas in aysan dhayalsan, ‘baroortu orgiga ka weyn’ maanta waa lagu deyaa, berri mar kale ayaa lagu deyaa, maalinka dambena waxaa imaaneysa albaabada haloo xiro labada aqalba inay dhahaan. Waxaan hubaa nimanka aan maanta arkaayey inay beri dhahayaan labada aqal ee baarlamaanku way xiran yihiin wax hadli karana malahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Senator Cabdullaahi Sheekh Ismacil ‘Fartaag’ oo laga soo doortay deegaanada Jubbaland.

Halkan ka Daawo