OBAMA oo cod sir ah laga duubay isagoo weerar ku qaadaya Trump (Dhageyso)

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama ayaa weerar ku qaaday sida uu Madaxweyne Trump u maareynayo cudurka safmareenka ah ee Coronavirus, waxaana uu ku tilmaamay “musiibo guud”.

Wadahadal la dusiyay oo uu habeenkii Jimcaha la yeeshay  xubno ka tirsan maamulkiisii, hore ayuu Obama sidoo kale ku sheegay in go’aankii waaxda cadaaladda ay ku joojisay eedeeyntii Michael Flynn ay khatar gelineyso sarreynta sharciga.

Codka wada hadalka waxaa markii ugu horreysay helay Yahoo News, waxaa Obama uu shaqaalihiisii hore ku booriyay in ay kala qayb qaataan isu soo bax uu ku taageerayo Joe Biden, oo doorashada soo socota kula tartami doona Donald Trump.

Maraykanka, oo ilaa iyo hada hogaaminaya tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, ayaa waxaa ka dhintay dad ka badan 78,000 oo qof.

Daneystenimo iyo qabyaalad

“Waxa aan ka hortageyno waa dhaqan kaan mudada dheer ah, ee ah daneystenimo, qabyaalad, kala qaybsanaan, iyo in kuwa kale loo arko cadow-taas oo ka mid noqotay nolosha dadka Maraykanka,” ayuu Obama u sheegay saaxiibadii ay wada shaqayn jireen.

“Waa qayb ka mid ah sababta ay jawaabta Coronavirus u noqotay mid tabar darran oo aan tayo lahayn,” ayuu hadalkiisa kusii daray Obama.

Obama waxaa uu sheegay in tuuristii dacwaddii ka dhanka ahayd Flynn ay ahayd arrin welwel leh.

“Waa meesha ay kaaga billaabaneyso in aad welwesho – ma ahan dhaqan hey’adeed, fahamkeena sarreynta sharciga khatar ayuu ku jiraa,” ayuu yiri.

Obama ayaa waxaa uu taageerayaa musharaxnimadda Biden, waxaa uuna uu sheegay in uu ku lug lahaan doono ololaha ka dhanka ah Donald Trump.

Hoos ka daawo