Kiiska Axmed Rashiid oo yeeshay weji cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Axmed Rashiid oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah.

Hay’adda dusha kala socota booliska Kenya (IPOA) iyo xafiiska dacwadda oogaha guud ayaa todobaadkii hore dalbaday in Axmed Rashiid uu hortago maxkamadda 8-da December, si uu uga jawaabo dacwadda loo haysto oo ah in March 2017 uu suuqa Islii ku toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah.

Askariga ayaa ku doodaya in wiilasha oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Khadar iyo Jamal Maxamed ay kamid ahaayeen koox dhac ka geysan jirtay xaafadda Islii, isla maalintaasna ay dhacayeen dukaamo ku yaalla dabaqa Amal Plaza ee Islii.

“Burcadda oo tiro ahaan gaaraysay toddobo ayaa rasaas ku furay ciidanka amniga iyo dadkii meesha ku sugnaa. Mid kamid ah burcaddaas ayaa watay qori la farsameeyay, waxaana lagu dilay is rasaaseyn dhexmartay isaga iyo booliska,” ayaa lagu sheegay codsiga uu Axmed Rashiid u gudbiyay maxkamadda.

Muuqaal la sheegay in laga duubay dhacdadaas ayaa u muuqda Axmed oo si bareer ah u tooganaya labada wiil ee Maxamed iyo Jamaal.

Barnaamij ay BBC qeybteeda Africa Eye ka diyaarisay Axmed Rashiid oo la baahiyay September 2018, ayaa waxa uu ku sheegay in kooxdiisa oo loo yaqaano “Pangani 6” ay baacsadaan burcadda isla markaana ay “ku dedaalaan inay gacanta ku dhigaan noolal iyo geeri ba”.

Mar wax laga waydiiyay labada wiil ee loo haysto dilkooda ayuu sheegay inay ka tirsanaayeen koox burcad ah oo Islii looga yaqaan “Super Power”, isla markaana uu Maxamed Khadar isku soo sawiray jaakad uu lahaa askari ay saaxiibo ahaayeen Axmed Rashiid oo la tuhunsan yahay inay dileen kooxdaas burcadda ah.

Amniga Islii

Qeyb kamid ah shacabka ku nool xaafadda Islii ayaa ku ammaanay Axmed Rashiid inuu si wanaagsan wax uga qabtay amni darrada jirtay, gaar ahaan xilliyada habeenka.

Waxa ay ku doodeen in baacsiga kooxda Super Power uu horseeday inay yaraadaan weerarrada ay fulin jireen dhallinyaradaas u badan Soomaalida ee adeegsada toorida iyo hubka kale.

Hase yeeshee dad uu kamid yahay ninka dhalay Maxamed Khadar ayaa aaminsan in halkii laga toogan lahaa la tuhunsanayaasha, ay wanaagsan tahay in la mariyo hannaanka sharciga waddanka oo la horgeeyo maxkamadaha dalka.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha, gaar ahaan Amnesty International ayaa warbixinno hore oo ay qoreen ku sheegay in Kenya ay ku badan yihiin dilalka sharciga ka baxsan ee ay geystaan laamaha amniga.

Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Ruto ayaa wacad ku martay inay wax ka qaban doonto arrinkaas, waxaana bishii October ay dowladda kala dirtay unug loo yaqaanay Special Services Unit oo lagu eedeeyay inay dileen dad shacab ah oo ay kamid yihiin laba muwaadin oo u dhashay Hindiya.

Isha: BBC