Kiiska Jamal Khashoggi oo saameyn ku yeeshay shir ka dhici lahaa RIYAADH

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali nolol iyo geeri lagu la’ yahay Suxufiga weyn ee reer Sacuudi Jamal Khashoggi oo bilowga asbuucii hore la arkaayay isagoo galaaya  Qunsuliyada Sacuudiga ee Turkiga.

Jamal Khashoggi, ayaa waxaa arrintiisa walaac ka muujiyay dowladaha reer galbeed iyo kuwa carabta oo iyagu xadgudub u arka falka ay dowlada Sacuudiga kula kacday Jamal Khashoggi.

Dowlada Sacuudiga ayaa arrinta Jamal Khashoggi ku weyneysa kalsooni badan oo kala dhexeysay dowladaha reer galbeedka iyo kuwa carabta, waxaana xusid mudan in warbaahinta reer galbeedka ay qaadacday ka qeybgalka shir ka dhacay Riyaad.

Shrikadaha warbaahinta ayaa dib uga baxaya ka qeybgalka shir ku saabsan maalgashiga oo lagu waday in uu ka dhaco magaalada Riyaadh ee dalka Sucuudiga.

Shirkadahan warbaahinta ayaa dib uga laabashadooda ku saleeyay walaac ay ka muujiyeen weriye u dhashay Sucuudiga oo la la’yahay Jamal Khashoggi.

Shirkadahan warbaahineed oo ay ka mid yihiin wargeysyada The New York Times, iyo the Economist, ayaa la sheegayaa in ay go’aansadeen in aysan ka qeyb galin kulankaasi oo lagu wado in ay ka soo qeybgalaan ganacsatada dunida ugu caasnan.

Sacuudiga ayaa la kulmaaya cadaadis aad u xoogan waxa uuna Madaxweynaha dalka Mareykanka ku goodinayaa in Sacuudiga uu cunaqabateyn ku muteysan doono arrinta Jamal Khashoggi.

Sidoo kale, Saraakiisha Sucuudiga waxa ay go’aansadeen in aysan ka hadlin arrinta weriyahan, waxaase dhammaantood ay beeninayeen suurtagalnimada in la qafaashay kaddibna la dilay.

Si kastaba ha ahaatee,talaabada ay ku dhaqantay dowlada Sacuudiga ayaa walaac gaara ku abuurtay Suxufiyiin kale oo iminka ku sugan gudaha Sacuudiga kuwaa oo laga mamnuucay inay ka baxaan dalk.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com