Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah go’aan rasmi ah ka gaari doonta kiiska dacwadii musuq maasuqa ee loo heystay mas’uuliyiin ay ku jiraan agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga iy qaar kamid Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 14-kii May shaacisay inay soo gabagabeysay dhageysiga kiiskan, iyadoo xiligaas ballan-qaaday inay go’aan ka soo saari doonto.
Mar kale qoraalka ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu mudeeyey in maanta lagu dhawaaqayo go’aanka, si loola wadaago shacabka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiintan oo ka soo shaqeysay hey’adaha dowladda ee musuq-maasuqa loo heysto ayaa gaareysa illaa 12 agaasime oo ka kala tirsan hey’adda socdaalka, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale masuuliyiintaan ayaa loo heystaa xatooyo xoolo dadweyne, waxayna maxkamadeyntoodu socotay dhowr bilood, iyadoo lagu soo oogay kiisas musuq xasaasi ah.
Agaasimayaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Korneyl Koofi, Cabdul iyo agaasimihii canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Muxudiin Saabey iyo qaar kamid Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka ayaa ku jira ragga kiiskooda go’aanka laga gaarayo.
Natiijada maxkamadda ayaa ah mid isha lagu wadayo, maadaama aad loo xiiseynayo waxa dhici kara oo saameynaya rag waa wayn oo aad loo hadal hayo.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horay sidaan oo kale go’aan uga gaartay kiiska mas’uuliyiin lagu helay masuq iyo kuwa kale oo lagu waayay dambi, balse waxaa la’isla aaday Maxkamadda Racfaanka oo la filayo inay go’aan kasoo saarto kiiska saraakiishaasi.