Kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah ee Somalia oo laga xaqiijiyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah laga helay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka mid ah dadkii ka yimid dibedda ee lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ayada oo natiijada baaritaan lagu sameeyey ay soo baxday, islamarkaana xaqiijisay inuu qabo fayruska.

“Ka dib karantiil iyo baaritaan aan ku samaynnay muwadaniintii afarta ahayd ee ka yimid dalka china usbuucii hore waxa aan xaqiijinayaa in mid ka mid ah muwaadiniintaas laga helay cudurka caabuqa faafan. Wasaaraddu waxay ka shaqaynaysaa xakamaynta cudurka,” ayey tiri wasiir Fowsiya

Wasiirka ma aysan shaacin dalka uu ka yimid qofkaas, hase yeeshee dadka lagu karantiilayey Muqdisho oo saddex qof ahaa ayaa horey loo sheegay inay ka yimaadeen dalka Shiinaha

Wasiirka ayaa shaaca ka qaadday in qofkan uu hadda wanaagsan yahay, islamarkaana uusan wax halis ah ku hayn muwaadiniinta kale, oo lagu hayo meel aysan dad kale u dhoweyn.

Waxay sheegtay in dowladda ay waddo taxaddar xooggan oo ay ku xaqiijineyso in dadka qaba fayruskan aysan soo dhex-gelin bulshada.