Kiiskii weerarada Carmalada Cad oo kusoo rogaal celiyay Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Khubaro ka tirsanaa baaritaanka kiiska Gabdhihii Soomaalida ahaa ee weerarka ku qaaday Saldhiga Dhexe Boliska ee magaalladda Mombasa, ayaa shaaciyay in agaasinka weerarkaasi ay laheyd Haweeneyda lagu magacaabo Samantha Lewthwaite ee loo yaqaan ”Carmalda Cad”.

Khubarada ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in arintaani lagu ogaaday baaritaano la sameeyay waxa ayna qeexen in sidoo kale ay heleen warqado ay is weydaarsadeen Seddexda Haween ee weerarka fuliyay iyo Haweeneyga kasoo jeeda dalka Britain ee lagu magacaabo Samantha Lewthwaite.

Khubarada Booliska ah waxa ay sheegen inay heleen cadeyno ku aadan kaalinta ay Samantha Lewthwaite ku leedahay weerarka kadib markii ay baaritaan adag ku sameeyen hoyga ay degnaayen Seddexdaasi gabar ee weeraray Saldhigga Dhexe Boliska ee magaalladda Mombasa.

Waxa ay sheegen Khubarada in Haweeneyda lagu magacaabo Samantha Lewthwaite ee loo yaqaan ”Carmalda Cad” ay warqado dhanka E-mali-ka ah is dhaafsadeen Seddexda haween kuwaasi oo sahlay inay ogaadan kiiska faraha la falay Carmalada Cad.

Macluumaad kale oo ay baahiyeen Khubarada ayaa waxaa la sheegay in laga helay Laptob ay isticmaalayeen Haweenka weerarka fuliyay oo howlgal lagu qaaday hooygii ay degnaayen.

Dadka deriska la ahaa Haweenka weerarka fuliyay ayaa sidoo kale Booliska u sheegay in Seddexda Gabar ee weerarka fuliyay ay xiriir dhow la lahaayen Haweeneyda lagu magacaabo ”Carmalda Cad”.

Waxa ay sheegen in xiliyada qaar ay xiriiro la sameyn jireen Haweeneydaasi kasoo jeeda dalka Britain, hayeeshee aysan la socon in xiriirkooda uu gaarsiisnaa heer weerar la fuliyo.

Geesta kale, Haweeneyda lagu magacaabo Samantha Lewthwaite ee loo yaqaan ”Carmalda Cad”, ayaa goor sii horeysay agaasintay weerarkii lagu qaaday xarumo badan oo ku yaalla dalka Kenya sida Westgate Mall.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com