Xog: Xasan oo safar dhulka ah ku tagaya deegaano looga careysan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanada Puntland ayaa sheegaya iney socdaan diyaar garowga loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud oo halkaasi ku wajahan.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa safar dhulka ah wuxuu ka bilaabi doonaa sida xogta aan ku heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isaga oo ku mari doono magaalooyin badan oo Puntland ka tirsan.

Shacabka Puntland ayaa ka careysan hadal dhawaan saxaafada uu siiyay Xasan Sheikh maxamuud oo ahaa in Puntland ka kooban tahay labo gobol, hadalkaasi oo keenay in C/Welli Gaas uu si caro leh kaga jawaabo hadalkaasi.

Wararka waxay sheegayaan in Xasan Sheikh Safarkaasi uu ku tagi doono magaalooyinka laamiga saaran ee Puntland, ilaa uu ka gaaraa magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa doonaya inuu markale kusoo laabtaa maamulka dowlada Soomaaliya si uu xilka usii hayaa afar sano oo hor leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com