Puntland: Sumcad ayaan ku helnay joojinta baabuurta Koonfurta

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey oo warbixin kooban ka bixiyey halka ay mareyso howshii baarista iyo joojinta gadiidka ka yimaada Koonfurta Somalia gaar ahaan gobolada dhexe ayaa sheegey in meel fiican mareyso islamarkana hirgashay.

“Howshaasi si wanagsan ayey u socotaa wayna hirgashay, way jiraan caqabado yar yar ah lakiin waan xalin doonaa” ayuu yiri Camey.

Mar wax laga weydiiyey saameynta ay ku yeelatey ganacsiga Puntland ayuu sheegey Madaxweyne ku xigeenka Puntland in ganacsatadu  hadda la qabsadeen qaabka howshu u socoto islamarkana fahmeen muhiimadda ay leedahay in amniga la sugo.

“Barnaamijkaan lagu joojinayo Gadiidkaan waxaa uu Puntland u soo kordhiyey sumacad badan iyadoo dhinaca kale la ogaadey muhiimada degaanada maamulkaan ka arimiyo u leeyahay dalka Somalia” ayuu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wax laga waydiiyey saameynta ay yeealatey joojinta gadiidka sida qudaarta ka imaanaysa gobolada  dhexe ee Somalia gaar ahaan gobolka Hiraan ayuu qirey in ay jiri karto caqabado soo foodsaara ganacsatada Puntland balse waxaa xusey in suuq badan ay heleen beeraleyda qudaarta kasoo baxda degaanada Puntland.

Camey ayaa sheegey in talabadaan u soo kordhisay Puntland lahaansho iyo in degaanadooda ka joojin karaan arrimaha dhibka u keeni kara.

“Waxaan ogaaney waxyaalo badan sida in xoolalaha ka dhoofa dakada Bebera ay dhexmari jireen Puntland, waxay soo direen codsi ah in gadiidka ka imaanaya gobolada dhexe ee Xoolaha u sida la fasaxo” ayuu sheegey Mudane Camey.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa xusey iney jiraan gadiid ka leexda magalaada Galkacayo kuwasoo ka yimaada gudaha Puntland iyo gobolada dhexe isagoo xusey in ay talaabo ka qaadi doonaan.

Talaabada lagu joojinayo gadiidka isaga talaabi jirey gobolada Puntland iyo Koonfurta Somalia ayaa shacabka siyaabo kala duwan uga hadleen kuwasoo qaar ka  tirsan soo dhoweeyeen halka kuwa kale sheegeen iney jirto siyaabo kale oo amniga dowladu u sugi karto balse aysan aheyn iney saameyn ku yeelato ganacsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com