Dagaal uu dhiig ku daatay oo goordhow ka dhacay Gobolka Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay deegaano aan sidaa uga sii fogeyn magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada kuwaasi oo la sheegay inay kala shakiyeen.

Dagaalka oo wakhti badan socday ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Todobo kamid ahaa labada dhinac ee uu dagaalka dhexmaray, halka sidoo kale ay ku dhinteen ku dhawaad Afar ruux oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay gaareen Goobta ay ku dagaalameen Ciidamada ka wada tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan sida uu falkan ku dhacay.

Maamulka Degmada Maxaas ayaa sheegay in Ciidamada qaar ay ka baxeen Degmada,kuwa kalena ay ka yimaadeen Dhanka Degaanka Muqokori ee Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com