Boorsaani oo qarin waayay cida uu taageersan yahay una ololeynaayo inuu Madaxweyne noqdo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu qabtay munaasabad lagu taageerayo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa munaasabadaasi hadal shaki badan dhaliyay ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Boorsaani ayaa sheegay inuu aad ula dhacsan yahay ololaha Xassan Sheekh uu ka wado magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, waxa uuna sheegay in munaasabada uu ka dhex shaacinaayo in taageero uu u yahay Xassan Sheekh.

Boorsaani waxa uu sheegay haddii uu ahaan lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia uu si shuruud la’aan ah codkiisa usiin lahaa Madaxweynaha dalka ahna Musharax u taagan qabashada xilka.

Boorsaani, waxa uu sheegay in maamulkiisa uu bilaabi doono ololaha uu kusoo laaban lahaa Xassan Sheekh waxa uuna meesha ka saaray shakiga ku jira taageero la’aanta.

Nuqul kamid ah hadalka Boorsaani ayaa ahaa “Haddaan ahaan lahaa Xildhibaan Codkeyga waxaa siin lahaa Xasan Sheekh, afar sano ka hor waxaa jiray shirib aan tiriyay, oo ahaa Xildhibaana waa yahay Xilkas ah oo xilka xajin kara”.

Boorsaani waxa uu sheegay in waxqabadka Xasan Sheekh uu yahay mid muuqda, isagoo tilmaamay guulihii siyaasadeed oo uu soo hoyay, taasoo ka mid ah Shir madaxeedkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay.

Boorsaani, ayaa goor sii horeysay sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan taageersaneyn cid gaar ah, waxa uuna xiligaasi cadeeyay in Musharaxiinta ay u siman yihiin balse uu doonaayo keliya shaqsi daacad ah oo dalka iyo dadka u danqada, hayeeshee waxaa hadana xigay inuu taageersan yahay Xassan Sheekh, isla markaana uu codkiisa siin lahaa haddii uu ahaan lahaa Xildhibaan.

Dhinaca kale, taageerada Boorsaani ee ku aadan Xassan Sheekh ayaa gaartay heer uu Boorsaani dhaqaale adag ku baxsho munaasabadaani oo aheyd mid uu dhaqaalaheeda baxshay Boorsaani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com