Hiiraan oo mar kale looga dhawaaqay mowqif ay dhibsatay DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Shir ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa lagu qaadacay dadaalada ay dowlada Somalia ugu jirto shirka ka socda magaalada Jowhar.

Waxgaradka isugu yimid shirka ayaa sheegay in weli mowqifkooda uu yahay mid taagan oo aan waxba iska bedelin.

Waxgaradka waxa ay sheegen in shirka ka socda magaalada Jowhar ay weli ka taagan yihiin mowqifkii hore waxa ayna qaadaceen inay ka qeybgalaan shirka.

Waxgaradka ka hadlay shirka ayaa waxaa kamid ahaa Nabadoon Cusmaan C/laahi Cabdi oo sheegay weli in aysan jirin wax iska bedelay mowqifkooda, sidoo kalena ay diidan yihiin Shirkaasi.

Waxa uu Nabadoonka sheegay inaysan ka raali noqon doonin waxa ay dowlada Somalia ku dhoodhoobeyso magaalada Jowhar oo uu sheegay inay yihiin waxyaabo aan wakhtigaani loo baahneyn.

Nabadoon Cusmaan C/laahi waxa uu sheegay in marka hore ay qorsheynayeen in shir dib u heshiisiin ah loo sameeyo Waxgaradka iyo Duubabka Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, balse taasi aysan dhicin oo horey laga guda galay wajiga labaad ee Shirka.

Nabadoon Cusmaan C/laahi, waxa uu sidoo kale dowlada Somalia uga digay inay ku fogaato faragalinta arimaha Hiiraan waxa uuna cod dheer ku sheegay inaysan raali ka aheyn wax waliba oo ay horboodeyso dowlada.

Dhinaca kale, Odayaasha qeybta ka ahaa shirka ayaa iyaguna sheegay inaysan rabin go’aan waliba oo ay wadato dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com