Siyaasiyiin iyo musharaxiin u tagay Beledweyne fashilinta shirka Jowhar

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

Beledweyne (Caasimada Online) – Musharixiin iyo Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoo taageeraya odayaasha diidan shirka Jowhar.

Xubnaha tegay magaalada Beledweyne waxaa ka mida: Maxamed Axmed Nuur (Tarsan), C/raxmaan C/shakuur, C/raxmaan Baadiyow, xildhibaan C/llaahi Goodax Barre iyo xubno kale.

Odayaal iyo dadweyne ayaa wafdiga ku soo dhoweeyay magaalada Beledweyne, waxayna wadahadal ugu tageen Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo xaruntiisa ay kulan kula qaateen.

Socdaalka siyaasiyiinta iyo musharixiinta tegay magaalada Beledweyne ayaa ujeedkoodu yahay inay taageeraan odayaasha diidan shirka Jowhar, isla markaana lagu fashiliyo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo hadda loo fadhiyo Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay ugaaska kala hadli doonaan sidii uu ugu adkeysan lahaa inuusan ku biirin shirka Jowhar, waxaana la filayaa inay ugu baaqaan xubnaha shirka aaday qaarkood inay ka baxaan.

Lama yaqaan ujeedka ay siyaasiyiintan u fashilanayaan shirka Jowhar oo markii horeba muranno badan ay hareereeyeen, iskana diideen beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dheexe qaarkood.

Caasimada Online
xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com