Xassan Sheekh oo Jawaab kulul siiyay Maamulka Siilaanyo

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo hadal kasoo baxay maamulka Somaliland lagu sheegay in maamulka uu marti galin doono shirka IGAD, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga jawaabay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xassan oo ka jawaabaayay hadalka Somaliland ayaa sheegay in Urur goboleedka IGAD uu aqoonsan yahay keliya Qaranka Somaliweyn, waxa uuna mugdiga ka saaray in IGAD aysan shir ku qabsan karin meel aan aheyn caasimada iyadoo aan fasax laga heysan dowlada Somalia.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay inaanu jirin laba Somali balse ay jirto hal Soomaali oo ah Soomaaliweyn, waxa uuna cadeeyay in IGAD ay garab taagan tahay Somalia oo mid ah.

Xassan Sheekh waxa uu carab dhabay in Somalia aysan kala qeybsamin waxa uuna tilmaamay in Somalia ay hal tahay, isla markaana Somaliland ay qeyb ka tahay Somalia inteeda kale.

Xassan Sheekh waxba kama uusan soo qaadin hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo oo ahaa inay kasoo horjeedan dhamaan Qodobadii ka soo baxay Shir Madaxeedkii IGAD.

Dhammaan hadalada ay is dhaafsadeen labada dhinac ayaa imaanaya iyadoo Tallaadadii tagtay magaalada Muqdisho lagu soo xiray shirka IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com