Jawaari oo ka xog waramay arrimo dhowr ah oo mugdi ku jiray

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari” Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia, ayaa ka hadlay howlaha Baarlamaanka Somalia, waxa uuna cadeeyay in Baarlamaanka hadda jira uu sii shaqeyn doono ilaa laga soo dhisi doono Xildhibaanada cusub.

Jawaari waxa uu sheegay in Xildhibaanada hadda jira aan wali laga maarmin waxa uuna tilmaamay inay sii shaqeyn doonaan mudada ka harsan dhismaha Baarlamaanka cusub.

Jawaari waxa uu tilmaamay inaan la xirin howlihii ka socday Xarunta Baarlamaanka Somalia, balse waxa uu cod dheer ku sheegay in kala bar Xildhibaanadu ay yihiin kuwo ku maqan Gobolada ay kasoo jeedan si ay u raadiyaan fursad ay mar kale kusoo laabtan.

Xildhibaanada hadda jira ayuu sheegay in lasiin doono fursado ay kusoo laabtan waa haddii ay jiraan kuwo u jilicsan dib usoo laabashadooda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in awooda xukunka Dowladnimo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena iyaga ay ka bilaabato isla iyaga ay ku dhamaato awooda, la’aantoodana aysan jiri karin Dowlad dhameystiran.

Jawaari waxa uu tilmaamay in mudada ay shaqeynayaan uu Baarlamaanka ka taqluusiyay khaladaad badan oo jiray, halka kuwa hadda harsana ay ka takhlusin doonaan kuwa imaan doona.

Haddalka Jawaari ayaa imaanaya iyadoo inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka safreen magaalada Muqdisho, iyagoo dib ugu laabtay deegaanada ay kasoo jeedan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com