Sawirro: Xassan Sheekh oo is amaanay soona bandhigay wixii uu qabtay 4tii sano ee tagtay

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu wakhtiga ka dhamaaday Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay munaasabad uu Xassan Sheekh ugu dabaaldagaayay waxqabadkiisa4-ta sanno ah.

Munaasabadaani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa labada Gole ee dowlada, Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyayaasha Hay’adaha amaanka iyo marti kale oo aan inta lagu soo koobi karin, waxaana la tilmaamay in munaasabadaani uu fangareeyay maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabadaani ayaa inta ay soctay waxaa lagu soo bandhigay sawiro kala duwan oo ku aadan safaradii Madaxweynaha ku tagay dalalka dibada, halku dhigyo lagu muujinayo in mar kale uu xukunka qabto iyo sawiradii Shir madaxeedka IGAD ee dhowaan ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigaya munaasabada ololaha doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Film Documentry soconaya muddo 60 daqiiqo, kaasoo ka hadlaya waxqabadka afarta sano.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku Dadaali doono Midnimada Somalia haddii mar kale loo doorto Madaxweynaha Somalia.
xasan-1

xasan-2