25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Kim Yo Jong: “Kuuriyada Koonfureed waxay sameysay xisaab isku dar aad u khaldan”

Bookmark
Bookmarked

Share

Pyongyang (Caasimada Online) – Kuuriyada Waqooyi wax dan ah kama leh siyaasad kasta ama hindise kasta oo dib-u-heshiisiin ah oo ka yimaada Kuuriyada Koonfureed, waxaa sidaas Isniintii sheegtay Kim Yo Jong, oo ah walaasha awoodda badan ee hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un, taasoo noqonaysa jawaabtii ugu horreysay ee laga bixiyo hindisayaasha nabadeed ee Madaxweynaha furfuran ee Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae Myung.

Kim Yo Jong, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kuuriyada Waqooyi, loona arko inay ku hadasho afka hoggaamiyaha dalkaas, ayaa sheegtay in ballanqaadka Lee ee ku aaddan isbahaysiga amniga ee Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka uu muujinayo inuusan waxba kaga duwanayn madaxweynihii isaga ka horreeyay ee cadaawadda u hayay.

“Haddii Kuuriyada Koonfureed ay filayso inay ku beddesho dhammaan cawaaqibka (ficilladeeda) ereyo kooban oo dareen ku jiro, ma jiri karto xisaab taas ka khaldan,” ayay tiri Kim, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee KCNA.

Lee, oo xafiiska la wareegay 4-tii Juun kadib markii uu ku guuleystay doorasho degdeg ah oo la qabtay ka dib markii xilka laga qaaday Yoon Suk Yeol oo ahaa muxaafid mayal adag, kaasoo isku dayay inuu dalka geliyo sharci militari oo uu ku fashilmay, wuxuu ballanqaaday inuu hagaajin doono xiriirka Pyongyang, kaas oo gaaray heerkii ugu xumaa sannado badan.

Tallaabooyin uu ugu talagalay inuu xiisadda ku dejiyo, Lee wuxuu joojiyay cod-baahiyeyaal laga sii deyn jiray dacaayado ka dhan ah Waqooyiga oo xadka laga gudbin jiray, wuxuuna mamnuucay warqado ay daadin jireen dadka u dooda arrimahaas, kuwaas oo ka careysiin jiray Pyongyang.

Kim, oo ah sarkaalka ka tirsan Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegtay in tallaabooyinkaasi ay yihiin oo kaliya ka noqosho falal ujeedo xun oo ay Kuuriyada Koonfureed samaysay, kuwaas oo aan marnaba habboonayn in la bilaabo.

“Si kale haddii loo dhigo, xitaa ma ahan wax qiimeyn istaahila,” ayay tiri.

“Waxaan mar kale caddaynaynaa mowqifkayaga rasmiga ah in siyaasad kasta oo Seoul lagu dejiyo ama hindise kasta oo la keeno, aynaan dan ka lahayn, oo aynaan la fariisan doonin Kuuriyada Koonfureed, oo aysan jirin wax laga wada hadlo.”

Waxa jiray rajo taxaddar leh oo ka taagnayd Koonfurta oo ah in Waqooyigu uu si togan uga jawaabi doono oo uu xitaa muujin karo rabitaan ah inuu dib u bilaabo wada-hadallada, gaar ahaan ka dib markii Pyongyang ay sidoo kale damisay cod-baahiyeyaashii dhankeeda, tallaabadaas oo Lee uu ku tilmaamay mid ka dheereysay sidii la filayay.

Si kastaba ha ahaatee, Lee, oo dowladdiisu ay ku jirto wada-xaajoodyo adag oo ay kula jirto Washington si looga fogaado canshuuro ciqaabeed oo uu Madaxweyne Donald Trump ugu hanjabay dhowr waddan oo ganacsi weyn la leh, wuxuu sheegay in isbahaysiga Maraykanku uu yahay tiirka udub-dhexaadka u ah diblomaasiyadda Kuuriyada Koonfureed.

“Dadaallo aan ka samayno dhinacyada siyaasadda, sugnaanta dhaqaalaha iyo dhaqanka, waxaan ku xoojin doonnaa isbahaysiga Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ee dhiigga lagu asteeyay,” ayuu yiri Lee isagoo ka hadlayay munaasabad Axaddii lagu xusayay sannad-guuradii xabbad-joojintii Dagaalkii Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale xustay sannad-guuradaas oo ay ugu yeerto maalinta guusha, iyadoo ay ka mid ahaayeen dhoolatus ka dhacay Pyongyang, inkastoo warbaahinta dowladda ay sheegtay inuu ahaa mid ka baaxad yar marka loo eego sannadihii hore qaarkood.

Labada Kuuriya, Maraykanka iyo Shiinaha, oo ahaa dhinacyadii ugu waaweynaa ee ku dagaallamay Dagaalkii Kuuriya ee 1950-53, ayaan ilaa hadda saxiixin heshiis nabadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News