KISMAAYO oo duulaan ku wajahan iyo xaalada caawa oo ka badalan sidi hore

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in caawa bandow lagu soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaddib markii la helay digniino ku aadan magaalada in  uu duulaan ku soo wajahan yahay.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in ciidamo fara badan la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, waxaana dadka lagu amaray in guryahooda ay ku xaroodaan oo aysan ka soo bixin tan iyo subixii.

Waxaa kaloo la jaray isgaarsiinta labada gobal ee jubada Hoose iyo Jubbada Dhexe, maadama laga cabsi qabo duulan ku soo wajahan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka KMG ah ee Jubba oo ku aadan bandowga caawa lagu soo ragay magaalada Kismaayo, balse waxa ay arrintan ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan AMISOM ay sheegtay in ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo laga badali doono halkaas.

Ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka KMG ee Jubba ayaa magaalada dhaqdhaqaaqyo ka wada kuwaasoo diyaar u ah in ay ka hortagaan weerar kasta oo magaalada ku soo wajahan.

Kismaayo waxa ay noqotay magaalo dagaal u joogta, waxaana dhowr jeer ku dagaallamay kooxo magacyo kala duwan wata.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com