Kismaayo oo maanta jawi kale gashay

Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta xaalada Magaalada ay ku soo laabatay si caadi ah ka dib 24-saac oo bandhaw ah oo magaalada saarneeyd.

Isku socodka gaadiidka dad weynaha iyo Ganacsiga ayaa dib u soo laabtay iyadoo gabi ahaan isku socodka magaalada oo hada si caadi ah ku soo laabtay.

Maalintii shalay eheyd ilaa iyo xalay ayaa magaalada gabi ahaan waxaa xiray ciidamada Maamulka Juba iyo kuwa AMISOM iyaga oo sugaayay amaanka magaalada oo ay ka socotay xaflad lagu caleemo saarayay M/weynaha Juba iyo xubnaha Wasiiradiisa.

Qaar ka tirsan dadka Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in shalay ay eheyd maalin kaga duwan maalmihii kale sidaas darteed ay maanta ku faraxsan yihiin in dib oo u soo laabto adeegii bulshada oo hal maalin hagad ku jiray.