XOG: Tarsan oo loo diiday in oo lacag kala baxo Bankiga Dhexe

Warar aan si hoose u helnay ayaa waxa ay sheegayaan in DF Somalia ay gabi ahaan xayiraad ku soo rogtay Gudoomiyaha gobalka Banaadir Max’ud Axmed Nur Tarsan kaasoo ku aadan in uusan lacag kala bixi karin bankiga.

Wareegto uu ku saxiixan yahay M/weyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la geeyay Bankiga Dhexe taasoo sheegeysa in marnaba aan loo ogolaan Tarsan in uusan lacag ka qaada karin Bankiga.

Dhanka kale Waraaqada ayaa waxaa ku qorneyd in xilka laga qaaday Tarsan isla markaana dhawaan lasoo magacaabi doono Gudoomiye sidaas darteed uusan lacag la bixi karin.

Gudoomiye Tarsan ayaa wali sheegaya in uu Gudoomiyaha Gobalka yahay balse M/weyne Xasan ayaa la shegay in wali beelaha uu kala tashanaayo cidii lagu badali lahaa Gudoomiyaha gobalka.

Dhowr musharax ayaa xilka Gudoomiyaha u taagan iyadoo hada M/weynaha uu wado kala shaandheenta uu ku sameenayo xubnaha qabiilada ee xilkaas isku heysta.