N. KAY oo saaray war aysan jecleysan Axmed Madobe iyo maamulka Jubba

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa soo dhoweyn ay la socoto laakin ka muujiyey aasaaska golaha fulinta ee maamulka KMG ah ee Jubba.

Kay waxa uu sheegay in maamulkaas weli aan loo dhammeyn loona baahan yahay in dadka oo dhan laga wada qaybgaliyo.

Hadal qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska wakiilka ayaa loogu hambalyeeyay hoggaamiyaha maamulkaasi KMG ah Axmed Maxamed Madoobe oo shalay is-caleemo saaray.

Laakiin waxa hadalkan ka soo baxay xafiiska Nicholas Kay hoosta looga xariiqay baahida in maamulka uu metelo dhammaan dadka saddexdaasi gobol, oo weliba si gaar ah loo eego ka qaybgalka haweenka, taasi oo iminka aan muuqan.

Waxa uu ammaanay heshiiskii Addis Abab ee bishii July 2013 dhex maray dowladda Somalia iyo maamulkaas.

Nicholas Kay waxa uu ku boorriyay maamulka KMG ah ee Jubba ilaa hadda horumarka laga gaaray heshiiskaasi, laakiin arrimaha muhiimka ah ee taagan sida wareejinta maamulka dekedda iyo garoonka dayaaradaha ee Kismaayo iyo dib u soo celinta iyo inay dib la isku dhexgeliyo maliishiyooyinka waa in si deg deg ah arrintaasi xal loogu helo ayuu yiri Nicholas Kay.

Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ka sii shaqeyn doonto fududeynta wada hadalka isla markaana ay ku yabooheyso taageero dhaqaale iyo farsamo dowladda federalka iyo maamulka KMG ah ee Jubba hanaanka dhisintaanka gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com