25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Kolonyo uu la socday Axmed Madoobe oo Kismaayo lagu weeraray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegay qarax miino in uu ka dhacay magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay kolonyo uu la socday hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba Axmed Madoobe kuwaasoo marayay xaafadda la yiraahdo Aargada.

Afhayeenka maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax oo la hadlay VOA aayaa sheegay in qaraxaas uusan wax yeelo geesan sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeen wuxuu kaloo sheegay in qaraxaas uusan wax dhibaato ah soo gaarsiin kolanyadii watay Axmed ee la weeraray.

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka kumeel gaarka ee Jubba ayaa ka hadlay in maalmaha soo socda la magacaabi doono 10 wasiir oo ka kooban golasha wasiiradda maamulka Axmed Madoobe.

Cabdi Naasir Seerar ayaa tilmaamay in golaha baarlamaanka ay ka imaan doonaan 15 degmo ee ay ka kooban yihiin seddax gobal ee kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada loo sameeyay ciidamo gaar ah oo gaaraya ilaa 200 oo askari.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News