Kolonyo uu la socday Korneyl SANEY CABDULLE oo lala beegsay qarax lagu la’day

Jowhar (Caasimada Online) – Kolonyo gawaari ah oo uu la socday Korneyl Saney Cabdulle oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa qarax xooggan lagula eegtay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo askar badan ay ku dhinteen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa lagula dilay 9 askari oo ka mid ahaa ciidanka Saney Cabdulle. Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar kale oo aan tiradooda la shaacin. 

Dhaawaca askarta ayaa waxaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, ayada oo askarta geeriyootay meydkooda la geeyay magaalada Jowhar. 

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in Saneey Cabdulle uu ka badbaaday weerarka, islamarkaana aanay wax dhibaato ah soo gaarin.

Sida aan xogta ku helnay, Saney Cabdulle oo ka yimid Muqdisho markii weerarka lagu qaaday ayaa u socday magaalada Jowhar oo lagu qabanayo doorashada kursiga HOP141 oo ay leedahay beesha uu kasoo jeedo.

Kursigan ayaa waxaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, balse waxaa dhowaanahan ka taagnaa xiisad ayada oo ay isku haystaan jufooyin ka wada tirsan beesha Harti-Abgaal.