28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Koofi oo xil kale loo magacaabay kadib markii beeshiisa ay Xasan Sheekh ku…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ayaa waxa uu maanta uu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib muddo billo ah oo dibadda uu kaga maqnaa.

Toddobaadkii hore, ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay Maxamed Aadan Jimcaale, iyadoo lagu soo bedelay C/Xakiim Farey, kaasoo deegaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Koofi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa xilligaan loo magacaabay Kaaliyaha Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka.

Magacaabidda Koofi, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay, markii Odayaasha Dhaqanka ee beeshiisa, ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliileen in uu meesha ka saaray xilalkii ay beeshu ku laheyd hay’adaha amniga.

Koofi oo muddooyinkaan dambe ku noollaa dalka Belgium-ka, ayaa waxaa lagu waday in firir kaga jiray madaxa looga soo saaray, laakiin aynaan taasi hirgelin, markii uu garowsaday in dib uu ugu soo laabto Magaalada Muqdisho.

Koofi, ayaa dalka Belgium-ka kula midoobay afadiisa/xaaskiisa oo dalkaasi ku nool.

Isagoo la hadlaayay Warbaahinta Dowladda, ayaa wuxuu iska fogeeyay in mid ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub, uu weydiistay magangelyo.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News